|
||||||||||||||||
|
||||||||||||||||
|
|
||||||||||||||||
Ku soo Dhowow Maktabadaada Dadweynaha Saint Paul
Maktabadda Dadweynaha Saint Paul waxay kaa caawin Kartaa... Helidda macluumaad qiimo leh oo la xidhiidha barashada Ingiriiga, shaqo raadinta, bilaabidda ganacsiga, horumarinta caafmaadkaaga, iyo meelo kaloo badan (Weydii Su’aal). Isticmaal kumbuyuutarka si aad ugu dirto email ehelkaaga ama si’aad u hesho wararka internet-ka. Baro sida loo isticmaalo kumbuyuutarka ee fasalka kumbuyuutarka maktabadda gudaheeda lagu barto (Kumbuyuutarka iyo Fasalada Internet-ka). Deynso buugaag, filimo, muyuusik, iyo waxyaalo kale … oo qaar badani ku qoran yihiin Somaali! Hel caawimo casharada guriga. Dhalinyarada iyo waayeelka waxbarta waa lagu soo dhoweynayaa Xarunta Maktabadda ee Casharada Guriga. Hel buugaag aad la akhrisato carruurtaada. Maktabaddu waa meel saaxiibtinimo la leh carrurrta iyo qosaskaba (Carruurta iyo Qoysaska). Adeegyada maktabaddu waa lacag la’aan u furan qof walba! Sidan ayaa loo Isticmaalaa Maktabadda Bilow inaad samaysato kaadhka bilaashka ah ee maktabadda. Waxaad soo qaadataa oo keliya aqoonsi sawir leh iyo wax muujinaya cinwaanka aad degan tahay (Tusaale., biilka telefoonka) si aad uga sameysato kaadh maktabadaha ku yaal Saint Paul. Kaadhka waxaad ku isticmaali kartaa goobaha internetka iyo deynsiga buugaagta, muyuusik, filimo iyo wanyaalo kaloo badan. Waa suura gal in aad ku isticmaasho kaadhkaaga 13-ka maktabadood iyo weliba maktabadda wareegta. Laamo badan oo ka mida maktabadda ayaa furan tobada casho. Waxaa kalood ku isticmaali kartaa dhammaan maktabadaha ku yaalla labada magaalo ee mataanaha ah iyo agagaarkooda. Buugta Maktabadda / Library Books Buugta Af Somali / Somali Books Buugta Carruurta Af Somali / Somali Books for Children Web Links |
||||||||||||||||